Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Århus

Sh. Mustafe Xaaji Ismaaciil oo Markazka Aabyhøj Jooga
Waxaanu dadwaynaha ugu bishaaraynaynaa in uu Sh. Mustafe Xaaji Ismaaciil boqasho ku imanayo Markazka Aabyhøj ee wadanka Danmark, gaar ahaan magaalada Aarhus. Sheekhu wuxuu muxaadarooyin ka soo jeedinayaa Markazka Aabyhøj, iyo masjidka santarka, taarikhdu markay tahay Sabtida 17-07-2010. Waxaanu Walaalaha meelkaystay joogaan u sheegaynaa in ay fursadan qaaliga ah ka soo faa’iidaystaan. Walaalaha aan Aarhus joogin waxay muxaadarooyinka kala socon karaan Paltalk qolka “Somali Islamic s Ahlusunah Waljamaca Center”, ama qolka “Somali Islamic s Ahlusunah Waljamaca Center 2″ ka faa’iidaysi wacan.

Sh. C/raxmaan Abyad oo booqasho dacwi ah ku jooga Århus
Waxaa booqasho dacwadeed ku jooga magaalo madaxda labaad ee Denmark sh. C/raxmaan Abyad oo ka mid ah ducaadda iyo culimada ku dhaqan dalkaan. Booqashada sheekha ayaatimid ka dib markii Jaaliyadda daggan Århus ay u gudbiyeen codsiyo is daba joog ahaa,  sheekha oo ka jawaabaya dalabka walaalihiisa soomaaliyeed ayaa la rajaynayaa inay maanta u bilaabato hawlo wacyi galin ah oo uu bulshada u jeedin doono. wixii faahfaahin ah dibbaan idiinka soo gudbin doonaa inshaa allaah.

Ururrada siyaasadda ee degmada århus oo qaadacay kulanka nuclai waman
Ururrada siyaasadda ee degmada århus oo qaadacay kulanka nuclai waman. sababta waxay ka dhigeen inaysan kulnka waxba ka soo baxayn lacagta skatkana lagu khasaarinayo sidaa daraadeed waxay waman ugu baaqeen in la joojo kulanka oo la balaariyo.

Ururrada siyaasadda ee degmada århus oo qaadacay kulanka nuclai waman. sababta waxay ka dhigeen inaysan kulnka waxba ka soo baxayn lacagta skatkana lagu khasaarinayo sidaa daraadeed waxay waman ugu baaqeen in la joojo kulanka oo la balaariyo.

Shariga cusub ee ajaanibtu wuxuu ciqaabayaa kuwa wax bartay.
Shariga cusub ee ajaanibtu wuxuu ciqaabayaa kuwa wax bartay.

Sharciga cusub wuxuu ka hor istaagayaa ajaanibta inay wax bartaan. waxaa ka fudud in ruuxu helo shaqo aan bilaa xirfgad ah, waxaa lagu soo qaatay doodihii maanta dhex maray baarlamaanka.

Dhibaatadaan waxaa tusaale loogu soo qaadan karaa, haweeneey uu guursaday nin denish ah, isla markii luuqadda baratay, shaqana heshay. ka dib sheefkeedii ku yiri, wax barashada ku laabo si aad u kororsato aqoontaada, way samaysay laakiin maysan ahayn inay samayso, waayo sharciga cusub markii la fiiriyo waa inay koow ka soo biloowdo hadday rabto inay hesho iqaamad abadi ah.

Sharciga cusub ee hadda la ansixiyay wuxuu dhigayaa qofkii raba inuu helo Iqaamad abadi ah, waa inuu shaqeeyaa 3 sano oo aan kala go`lahayn.

Sidaa daraadeed qoftaas waxay la midtahay qof aan waligiis shaqayn, hadday rabto sanado badan ha soo shaqaysee, si kale hadii loo dhigana waxaa uga fiicnayd inay ku shaqayso shaqo aan xirfadlahayn inay wax barato, hadday rabto inay hesho Iqaamadda.

Is dhexgalka bulshooyinka

Siyaasiyiintii wax ka soo diyaariyay sharcigaan, waxaa la waydiiyay ma u muuqataa in laga tixgalinayo qofka xirfad laàanta ah kan wax bartay. wayana ku jawaabtay

haa, waana aragtidayada ururka ( Venstre= ururka dalka hadda hogaamiya) haddii la rabo in la helo ciqaamad abadi ah, waxaa in wax lagu biiriyaa bulshada iyo dalka, sida in canshuur la bixiyo oo kale, taasna waxaa lagu gaari karaa shaqo kaliya, waana arin muhiim u ah is dhexgalka, sidaa waxaa tiri afhayeenka xaga dhexgalka ee Venstre. Karsten Lauritzen

waxaa kaloo la waydiiyay so qofku wax ka badan ma biirin lahayn hadduu wax baran lahaa.?

Haa. waana ku soo dhawaynaynaa, laakiin xoogaa wakhtigaa ku dheeranaya, cidda rabta ciqaamadda. waxaa jira qolyo oranaya xaqbaan u leenahay ciqaamadda, aniga waxay ila tahay waa in la mutaystaa. ayay tiri, Karsten Lauritzen.

Sharciga maanta jiraayi wuxuu oranayaa waxaa ciqaamad lagu heli karaa markii dalka 7 sano la joogo, laakiin hadda waxaa jira jaanis kale oo ah in lagu heli karo 5 sano. dhalinyarada ayagoo caruura dalka yimid, 18 sanana ku gaaray, intaasna waalidkood la noolaa, markay 18 sano gaaraan waxay heli karaan ciqaamadda. xataa haddii aysan shaqayn 3 sano oo xiriir ah, laakiin waa haddii ay markay iskuulka dhameeyeen, shaqo heleen ama wax barasho kale sii wadeen.

sha warka: http://www.dr.dk/P1/orientering/indslag/2010/04/19/161217.htm

Maqaal:Ma U Dabaal Dagnaa Mawlidka Mise!!!
Maqaal:Ma U Dabaal Dagnaa Mawlidka Mise!!!

بسم الله الرحمن الرحيم

Bismillah Raxmaani Raxiim

Waxaa laga yaabaa in dad badani ku wareeraan is jiid jiidka Mawliidka, qaarna leeyihiin waa bidco, qaarna leeyihiin mayee waa arin qof waliba oo muslim ah ay lagama maarmaan tahay inuu ku farxo dhalashadii rasuulka Muxammad sallallaahu calayhi wasallam. Balse walaallayaal aanu arinta si kale u eegno, annagoo isla fatashayna buugaagta taariikhda, kadiban aanu ku miisaamayno maanka iyo caqliga uu Allah swt. nagu manaysatay.

Taariikh Ahaan:

Si baaritaankeenu uu u noqdo mid mira dhal ah waxaa haboon in aanu is weydiino su’aalahaan:

1-Nebi Muxammad Sallallaahu calayhi wasalam xaflad ma u dhigtay dhalashadiisii iyo anbiyadii ka horaysay ba’?

2-Saxaabadiisii sida: Abu Bakar, Cumar, Cusmaan iyo Cali iyo dadkii ku xigay ee wanaagsanaa sida: Abuu Xaniifa, Maalik, Shaafici iyo Axmed Ibnu Xanbal (aasaasayaashii afarta madaahib ee Fiqiga maanta caanka ah) ma u dhigeen geeridiisii kadib xaflad dhalasho?

3- Goorma ayay u bilaabatay dhigidda xaflada mawlidka.? Yaasa ugu horeeyay qof dhiga?

4-Xaflad dhigiddu ma cibaadaa oo ajar miyaa laga helayaaa mase waa bidco oo waa lagu dambaabi amase cibaado iyo ajar midna toonna maahan??

Jawaabaha:

Jawaabta su’aasha koowaad:

Culimada oo dhan (kuwa ogol mawlidka iyo kuwa diidan intaba) hadii aad su’aashaan waydiisid waxay kugu jawaabayaan MAYYA ma uusan dhigan .

Jawaabta su’aasha labaad:

Culimada oo dhan (kuwa ogol mawlidka iyo kuwa diidan intaba) hadii aad su’aashaan waydiisid waxay kugu jawaabayaan MAYYA ma aysan u dhigin.

Jawaabta su’aasha sadexaad:

Culimada oo dhan (kuwa ogol mawlidka iyo kuwa diidan intaba) hadii aad su’aashaan waydiisid waxay kugu jawaabayan: qoladii ugu horaysay oo xaflada mawlidka dhigta waxay ahayd dawladii Cubaydiyyada (Faadimiyiintii).Dawladaas waxay culimada ahlu sunnada dhamaantood (macaa kuwa mawliidka iskaga soo horjeeda) isku waafaqeen in ay gaalo diinta islaamka ka baxay ahaayeen, xaflada mawlidka keliya ma aysan qaban qaabin jirin balse waxay kaloo qaban qaabin jireen xaflado kale sida dhalashadii Cali Ibn Abi Daalib, Faaduma, Xassan, Xuseen (allaah haka wada raali noqdee) iyo dhalashada ninka markaa madaxda u ahaa. Dawladaas xarunteedu waxay ahayd Qaahira ee dalka Masar, waxayna dowladaasu jirtey 910 -1171 miilaadi.

Jawaabta su’aasha afaraad:

Su’aashaas oo ahayd: Xaflad dhigiddu ma cibaadaa oo ajar miyaa laga helayaaa mase waa bidco oo waa lagu dambaabi amase cibaado iyo ajar midna toonna maahan??

Waa meesha la isku haysto, bal si su’aalo iyo jawaabo ah aanu u dhiraan dhirinno.

Culimada dhamaantood (kuwa ogol mawlidka iyo kuwa diidan intaba) waxay isku waafaqsanyihiin in Mawlidku bidco yahay, balse qaarka ogoli waxay leeyihiin waa bidco wanaagsan meesha kuwa diidanna ay leeyihiin mayee waa bidco. Bidco walibana waa lagu dembe geli sida uu yiri Nebiga sallallaahu calayhi wasallam

Bidco: Waxaa la dhahaa wax walba oo diinta lagu soo kordhiyo geeridii Rasuulka – sallallaahu calayhi wasallam – gadaasheed.

Akhii Fillaah:

Ogow shareecada islaamka camalka haddii uusan lahayn ikhlaas kuna taagnayn sunnadii Nabbiga (صلى الله عليه وسلم) lama aqbalo camalkaas, waayo waxa uu waayay labada shardi ee uu Allaah camalka saalixa ah ku aqbalo (ikhlaas iyo Mutaabaco).

U gargaarida iyo jacaylka nebbi Muxamed (صلى الله عليه وسلم) waa inaand ku muujiso dhaqankaaga , inaad ku bixiso wakhtigaga barashada diinta, inaad ficiladii nebbiga ((صلى الله عليه وسلم) raacdo , sunadiisa ku dhaqanto kaas ayaa jacaylka dhabta ah, jannada iyo raali ahaanshaha ilaahayna lagu gaari karaa.

Jacaylkaaga aad uhayso Nabiga ((صلى الله عليه وسلم) ha ahaado midkii Umu cimarah radiyalahu canha, iyo Muxamed Ibnu Maslamah radiyalahu canhu,

jacayl lagala soo baxay axkaamta kitaabka iyo sunnada.

Talo iyo Gunaanad:

1-Maadaama uusan Suubanuhu – sallallaahu calayhi wasallam – uusan samayn.

2-Maadaama aysan saxaabadii suubanaha aysan samayn

3-Maadaama aysan culimada waa waynayd ee dunida islaamka soo martay sida Abuu xaniifa Maalik Shaafici Axmed aysan samayn

4-Maadaama dadka xaflada mawlidka aasaasay ay ahaayeen kuwo culimada islaamka isku waafaqay in gaalo ahaayeen.Intaas kadib walaalayaal waxaa mudan in aanu is weydiino Su’ashaan: Mawlidka Ma U Dabaal Dagnaa Mise?? Ha noqoto su’aashaas mis caqligeena ka shaqaysiisa uuna qof walba kaga jawaabo si cadaaladi ay ku jirto, adigoonan qofna ama madhab gaar kuu ah aadnan ka hor marinayn Kitaabka Iyo Sunnada.

Wa akhiru dacwaana anil xamdulilahi rabil caalamiin

Golaha Ducada Soomaaliyeed

daaciga@hotmail.comDenne emailadresse er beskyttet mod programmer som samler emailadresser. Du skal aktivere javascript for at kunne se adressen.

11 Rabi Al-awal 1431

25 fabaraayo 2010

Codsi: Fadlan walaal khayrkan usii gudbi walaalahaaga Muslimiinta inta aad taqaano Allaah ajar hakasiiyee..jazaka Allaahu Khayraa

Jamciyadda Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Aalborg oo laga joojiyay caawintii
Jamciyadda Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Aalborg oo laga joojiyay caawintii

Degmada Aarborg ayaa goàan ku gaartay inaan wax lacag ah lagu caawin ururka ka danbeeya jamciyadda somaalida ee ku taala Danmarksgade centarka magaalada.

goàanka waxaa soo saaray waxaada degmada u qaabilsan ( ururada dhaqanka iyo dhalinyarada) jamciyaddu waxay waynaysaa dhammaanba dhaqaalihii laga caawin jiray oo ahaa 220.000 kr.

Shrciga ma waafaqsanayn

qolyaha kontoroolka noo qaabilsan waxay sheegeen inaysan meeshu buuxin shuruudaha lagu heli karo caawinta degmada, salaad iyo cibaadaysi ayaa meesha ka socday, sidaas waxaa yiri gudoomiyaha waxaada Keld Jensen.

dadka jamciyadda ku xiran aadbay ula yaabeen goàanka hordhaca ah ee degmadu qaadatay, waxayna sheegeen inuu saamayn xoogan ku yeelan doono goàanku, sidaasna waxaa yiri Mohamed Hasan, oo Jamciyadda u qaabilsan caruurta iyo Dhalinyarada. intaas wuxuu ku daray maxamed inay ka wada hadlayaan markay helaan goàanka oo qoraalka.¨

Jamciydda soomaalida ee magaalada Alborg waxaa lagu tiriyaa jamciyaatka ugu da`da wayn uguna wax tar badan marka la fiiriyo dhinac walba, jamciyaddu waxay qayb libaax ka qaadatay isku xirnaanta bulshada soomaaliyeed ee ku nool waqooyiga dalkaan gaar ahaan Alborg. sidoo kale waxay qayb aad u wayn ka qaadataa, wax tarka jaaliyadda kale ee ku dhaqan Iskaandineviaanka & guud ahaan Soomaaliya.

Waxaa lagu qiyaasaa soomaalida ku nool Alborg ilaa 900 oo qof.

Isha warka: . http://www.dr.dk/Regioner/Nord/Nyheder/Aalborg/2010/05/26/083447.htm

Warbixin ku saabsan suuqa shaqada dheenishka
Warbixin ku saabsan suuqa shaqada dheenishka

Waa maxay ururka shaqobixiyeyaashu?

Ururka shaqobixiyeyaashu wuxuu wakiil ka yahay shaqobixiyeyaasha.

Ururka shaqobixiyeyaasha dheenishkuna (DA) waa ururweynaha guud oo ay hoos yimaadaan 13 ururshaqobixiyeyaal ah.

Waxaa xubno ka ah ururka guud ee shaqobixiyeyaasha in ka badan 29.000 shirkadood oo ay kamid yihiin wershedo, shirkado ganacsi, gaadiidka, adeega iyo dhismaha oo ah urur hoosaadyada xubnaha ka ah ururka guud (DA).

Waxaa inta badan ka wada xaajooda arrimaha ku taxaluqa mushahaarka iyo xaaladaha shaqada ururada guud ee shaqaalaha iyo shaqobixiyeyaasha. Mana aha qofka shaqaalaha ah iyo shirkadda uu u shaqeeyaa wax ay isla meeldhigayaan hase yeeshee waxaa ka wada xaajoonaya labada urur ee kala metalaya ama wakiiladda u kala ah. Natiijadda ka soo baxda wada xaajoodkaana waxaa la dhahaa heshiis (overenskomster)

Heshiisku (Overenskomst) wuxuu xambaarsan yahay waxaa ka mid ah:

Mushahaar (løn).

Hawlgab (pension).

Xeerka mushahaarka fasaxa dhalmada (barsel).

Xeerka maalinta ugu horeysa bukaanka ilmaha.

Xeerka mushahaarka bukaanka.

Digniin in shaqada lagaa rukhseeyo.

Wakhtiga shaqada.

In ku dhaw 80% shaqaalahu waxay hoos yimaadaan heshiish guud oo ku wajahan suuqa shaqada (kollektive overenskomster).

Sida caadiga ah golaha shacabku ma soo fara geliyo wada xaajoodyada lagaga wada hadlayo arrimaha mushahaarka iyo xaaladda shaqada. Wixii labada geesood isku maandhaafaan ee ay ku heshiin waayaan ayey qaanuun ka soo saaraan. Laakiin golaha shacabka ayaa dejiya qaanuunka lagu maamulo siyaasada ku wajahan suuqa shaqada, tusaale ahaan jawiga shaqada. Hase yeeshee Ururada shaqaalaha iyo shaqobxiyeyaashuna waxay sida caadiga ah ka dhiibtaan fikradooda iyagoo saamayn ku yeesha dejinta wixii qaanuunno ah ee khuseeya.

Doorka ay ka qaataan ururada shaqaalaha iyo shaqobixiyeyaashu suuqa shaqada dheenisku waa mid u baahan inay si fiican isu abaabulaan. Waana arrin labada qayboodba ay sameeyaan. Tusaale ahaan 80% shaqaalaha dheenishku waxay xubno ka yihiin urur shaqaale.

Shacabka iyo suuqa shaqada

Denmark dadku nolosha inteeda badan guriga way ka maqan yihiin. Sida caadiga ah labada waalid waxay jiraan shaqo, halka carruurtana lagu hayo xanaano ama ay dugsiga aadaan. Wadamo kale oo fara badan sida caadiga ah hooyada ayaa guriga joogta oo carruurta haysa. Denmark waxaa sidaasi dhacdaa uun marka ilmuhu aad u yar yahay.

Denmark waxaa mar ay ahayd mid ku tiirsan wax soo saarka beeraha iyo xoolaha. Wax soo saarka beeraha iyo xooluhu weli waa shaqo muhiim ah hase yeeshee sidii hore uma aha mid ay ka shaqeeyaan dad badani. Waxay dad badani wakhtigan uga shaqeeyaan si dadban ama toos ah adeega – sida Albeergooyinka hurdada iyo makhaayadaha cuntada (oo ay qaabtaan nadaafadda iwm), dukaamadda iyo bangiyada. Qaarna waxay ka shaqeeyaan wax soo saarka -sida shaqada wershedaha iyo fuundinimada (murere).

Denmark waxaa kaloo lagu magacaabaa bulsho cilmiyeed (vidensamfund). Taas oo macnaheedu yahay inay shaqobixiyeyaashu u baahan yihiin shaqaale takhasus wayn u leh waxyaabo ama xaalado sugan. Sidaa darteed waxaa muhiim ah in wax la barto.

Danmark waxaa jirta inuu qaranku daboolo qayb wayn oo maamulka bulshada ah (offentlige sektor). Dad badan ayaa ka shaqeeya xanaanada carruurta lagu hayo (børnepasning), daryeelka waayeelka, maamulka xafiisyada bulshada, iwm.

Danmark shaqo la’aantu ma badna hadda, hase yeeshee xirfadaha iyo goobaha qaarkood ayay si gaar ah u saamaysaa marka la garab dhigo

qaybaha kale. Tusaale ahaan shaqo la’aantu Bornholm way kaga badan tahay Kobenhavn – waxaana jirta meelo looga baahan yahay koronto yaqaan halka ay injineero ka shaqo la’yihiin.

Haddii qofku uu rabo inuu u guuro meel, isla markaana uu leeyahay waxbarasho sugan waxaa u fududaanaya helitaanka shaqo.

Qaxootiga iyo soo galootiga ku soo biiray suuqa shaqada dheenishka

Qaxootiga iyo soogalootiga haysta deganaanshaha Denmark waxay xaq u leeyihiin shaqo iyo xuquuq la siman tan dheenishka, taas macnaheedu waa inaad codsan karto shaqooyinka Denmark ka soo baxda.

Magangelyodoonka iyo suuqa shaqada

Caadiyan magangelyo doonka shaqo ka baxsan xerada looma ogola, waayo ciqaamad iyo ogolaansho shaqo ma haystaan.

Haddiise qofka magangelyo doonka ah i leeyahay aqoon loo baahan yahay wuxuu codsan karaa ogolaansho shaqo. Waxayna tani badanaa khusaysaa dadka aqoonta sare leh sida injineerada iyo dhakhtarada.

Qaxootiga iyo soo galootiga waxaa lagu maamulaa xeerka dadka dheenishka ah ee kuwajahan:

Mushahaarka.

Rukhseynta.

Dibushaqaalaynta.

Shaqo la’aanta.

Caafimaadka iyo amniga goobta shaqada.

Shaqo la’aanta haysata qaxootiga iyo soo galootigu way saraysaa marka loo qiyaaso dadweynaha guud ahaan.

Arrimo badan ayaana sabab u ah: Qaxootiga iyo soo galootiga qaarkood waxay u baahan yihiin aqoon xagga xirfadda iyo luuqada ah. Shaqooyinka qaarkoodna waxaa la qaataa iyadoon wargeysyadaba lagu qorin – tusaale ahaan iyadoo shaqo bixiyaha ama dadka la shaqeeyaa ay keenaan qof ay yaqaanaan. Iyo qaar kamid ah goobaha shaqada oo ka cago jiida shaqaalaynta dad aan la nooc ahayn ama ka duwan iyaga.

Aqlabiyad ka tirsan golaha shacabka ayaa hadda waxay ku hawlan yihiin sidii loo shaqo gelin lahaa qaxooti iyo soogalooti badan. Dawladdu waxay u aragtaa in shaqadu tahay furaha qalobixinta ee bulshadda dheenishka. Sidaa darteed dawladu waxay agaasintaa hindisaal, sida:

Fududeynta sidii shirkad tababar loogu qaadan lahaa.

Suurto gelinta in luuqada dheenishka lagu barto goob shaqo.

Waxbarasho ku haboon qaxootiga iyo soogalootiga.

Tayyan iyo tijaabo dadajin lagu sameeyo aqoonsiga tacliin.

Isla markaana waxay dawladu hoos u dhigtay kaalmadii dhaqaale ee ay heli jireen qaxootiga iyo soogalootiga shaqada la ee cusubi waxayna qaataan lacagta cusub ee lagu magacaabo lacagta soo dhaweynta “introduktions-ydelse”.

Ujeedaduna waxay tahay iyadoo ay jiraan qaar aaminsan in habkani horseedi doono inay qaxooti iyo soo galooti badani isku taxalujiyaan shaqo raadsi

Qiyaasta suuqa shaqada dheenishka

In ku dhaw 80% dadka qaangaadhka ah ee dheenishka way shaqeeyaan ama waa shaqo raadis: waana 81 % ragga, 74% dumarka iyo 52% qaxootiga iyo soogalootiga.

70% carruurta da’adoodu ka yar tahay 6 jir waxaa lagu hayaa guriga meel ka baxsan.

Shaqo la’aantu Denmark waa qiyaastii 5% (5,4% dumarka iyo 4,6% ragga).

Shaqo la’aanta qaxootiga iyo soogalootigu waa 13%.

72% waxay ka shaqeeyaan qaybta adeegga, 24% wershadaha iyo 4% beeraha

Sideen shaqo u hel i karaa?

Sideen u isticmaalaa ama ukobciyaa aqoontayda tacliiniid?

Waa fikrad fiican inaad baadho sidaad ugu isticmaali karto xirfadahaaga waxbarasho Denmark – ama aad u kobcin lahayd. Waxaad la xidhiidhi kartaa dawladda hoose ama xafiiska shaqo raadinta (AF) si ay kuugu iftiimiyaan jidkaad u mari lahayd. Waxay tusaale ahaan kuu balamin karaan lataliye u xil saran arrintaa. Waxaa kaloo dhici karta in tababar laguugu diro shirkad.

Waxaa kaloo la qiimaynayaa in waxbarashaddii aad kala timi dalkaagu u dhiganto ta Denmark oo aad isku si u adeegsan karto.

Hadii aad xubin ka tahay sanduuqa shaqo laaweyaasha (arbejdsløshedskasse) ama urur shaqaale iyaguna way ku caawin karaan.

Haddii aad waxbarasho kala timi dalkaagii, waxaad kaloo la xidhiidhi kartaa xarunta qiimaynta waxbarashada dalalka kale (CVUU.dk) – ama waxaad talo iyo tusaale ka codsan kartaa lataliyahaaga (sagsbehandler) ama lataliye waxbarasho (vejleder). CVUU wuxuu qiimeeyaa shahaadooyin wadamada kale – macluumaadkoodana waxaad ka heli kartaa bogga shabakadooda ee (CVUU.dk).

Xaggeen ka heli karaa shaqooyinka bannaan?

Markaad ogaato shaqooyin aad qaban karto, islamarkaana aad rabto inaad raadsato waxaa jira qabab kala duwan oo loo mari karo.

Dad badani waxay shaqada ka helaan ogeysiisyada ama xayeysiisyada shaqada ee lagu soo bandhigo dhambaallada shaqada (jobannonce). Dhambaalladda shaqada waxaad ka heli kartaa meello kala duwan. Shirkadaha qaar ayaa ku xayeysiiya shaqooyinka wargeysyada sida tusaale ahaan (Berlingske Tidende, Politiken, Jyllands-Posten, Søndagsavisen iyo lokalaviser) iyo wargeys xirfadeedyada (fagblade). Qaarna waxay shaqaalaha ka raadsadaan shabakadda Internetka. Liiska cinwaanadoodana waxaad ka heli kartaa rugshaqeedyada shabakadda Internetka (jobdatabaser).

Waana inaad xusuusnaataa inaad macluumaadka ka heli karto laybereriga (biblioteker). Halkaas waxaad ka heli kartaa wargeysyo kala duwan iyo adeegsiga Internetka. Waxaad kaloo tegi kartaa xafiiska shaqo raadinta (AF/Jobnet). AF – tu waxay isku xidhaa shaqo doonka iyo shirkadaha u baahan shaqaale. Adiga ayaa tegi kara xafiiska shaqo raadinta ama waxaad shaqo ka baadhan kartaa keydkooda shaqada ee shabakadda Internetka (Afs jobbank) oo jobnet.dk.

Waxaad kaloo ka heli kartaa bogga shabakadda AF warbixino ku saabsan waxyaabaha laga rabo inuu ku baraarugsanaado ruuxa shaqo doonka ahi – iyo helitaanka cinwaano kale oo Shabakada Intenetka ah, kuwaas oo xambaarsan talooyin ku wajahan shaqo raadsiga.

Waxaad kaloo xafiiska shaqo raadinta kula hadli kartaa lataliye qaabilsan shisheeyaha oo aqoon gaar ah u leh dadka shisheeyaha ah ee laga tirada badan yahay.

alkee dadku caadiyan shaqada ka helaan Denmark

27% waxay shaqada ka helaan bogaga shaqada ee xayaysiisyada shaqada.

25% waxay ku helaan arji qorasho aan lagu amrin.

19% waxaa shaqada u soo hela saaxiibo ama dad ay isyaqaanaan.

14% waxaa shaqada siiya shaqo bixiyeyaasha oo lasoo xidhiidha.

6% waxaa shaqada u soo hela AF ama dawladda hoose (kommunen).

Baaqiguna waxay shaqada ku helaan qaabab kale.

Haddii aad xubin ka tahay sanduuqa shaqalaawayaasha ama urur shaqaale waxay iyaguna kaa caawin karaan sidaad shaqo u heli lahayd. Haddii aadan hadda shaqayn oo aadan isla markaana garanayn sanduuqa shaqalaawayaasha ama ururka shaqaalaha aad ku biiri lahayd waxaad weydiin kartaa tusaale ahaan xafiiska shaqo raadinta (AF). Waxay kuu sheegi karaan sanduuqa shaqalaawayaasha iyo ururka shaqaalaha kugu haboon.

Haddii aad qaadato lacagta kaalmada (kontanthjælp) ama lacagta soo dhawaynta (introduktionsydelse) waxaad la xidhiidhi kartaa dawladda hoose ama degmada aad degan tahay (kommune).

Haddii aad rabto inaad iskaa u shaqaysato sida inaad dukaan furato oo kale waxaad meelo badan ka codsan kartaa caawimo iyo talo bixin, sida tusaale ahaan:

virksomhedsguiden.dk

startguiden.dk iyo.

100svar.dk (oo leh ingiriisi iyo carabiba).

Shaqooyinka banaan odhan laguma soo bandhigo wargeysyada ama Internetka. Dad badan ayaa shaqada ku hela aqoon ay u leeyihiin dad ka shaqeeya shirkadaha ay shaqadu ka banaantahay ama araaji shaqo doon ah oo ay iska qorteen dartii. Waa hawl adag hase yeeshee marmar bay natiijo fiicani kasoo baxdaa.

Sideen u doontaa shaqo?

Sida caadiga ah waa inaad araaji u qorataa shirkada aad danaynayso inaad u shaqayso.

Arjigu caadiyan wuxuu xambaarsan yahay:

Qiyaastii hal bog ood ku sharxayso:

- Maxaad u raadsanaysaa shaqo.

- waxbarashadaada iyo khibradaada shaqo

- sharaxaad kooban ood adigu iska bixinayso shakhsi ahaan.

CV-gaaga, ood kaga hadlayso waxbarashadaada, khibrad shaqo iyo hiwaayadaada wakhtiga firaaqada.

Shahaadooyinkaaga waxbarasho.

Waraaqo cadaynaya khibrad shaqooyinkii hore, goob tababar, mashruuc hawlgelineed iwm

Waa maxay CV?

CV wuxuu ka taagan yahay ‘Curriculum vitae’ macnaheeduna waa taariikh nololeedkaagii. CV wuxuu sharaxaad ka bixiyaa qofka wixii uu leeyahay waxbarasho, khibrad shaqo uu hore uga soo shaqeeyey iyo hiwaayada wakhtiga firaaqada, luuqadaha iyo aqoonta kombiyuutarka iyo xubinimo ururo. CV-gu wuxuu kaloo xambaarsan yahay macluumaadka ku saabsan magac, cinwaan, wakhtiga dhalasho, telefoon lambar iyo xaalad guur. Waana inaad u diyaar garawdaa buuxinta wakhtiyada ka baxsan xili dugsiyeedka iyo shaqada. Waxaad tusaaleyaal CV-yo ah ka fiirin kartaa www.af.dk kadibna guji ‘Jobsøgertips’

Haddii shirkadu ku qanacdo inaad shaqada ku haboon tahay waxay caadiyan kuugu yeedhayaan wareysi. Wareysigaas ayaana si qoto dheer ugaga hadlayaan shaqada iyo shirkadaba iyadoo adigana ay suurtogal kuu tahay inaad si waafi ah isaga hadasho.Bogga shabakada xafiiska shaqo raadinta ayaad ka heli kartaa macluumaad ku saabsan isu diyaarinta wareysiga shaqada. Bogga shabakadu waxaa ku xidhiidhsan bogag shabakadeedyo kale oo talobixin fiican fidiya.

4. Maxaa muhiim ah inaan ogaado, markaan shaqo helo?

Xaq u lahaansho fasax?

Bil kasta ood shaqayso waxaa kuu dhigma 2,08 maalmood oo fasax ah. Waxayna sanadkii kuu noqonayaa 5 todobaad oo fasax ah.Hase yeeshee heshiisyada (overenskomster) intooda badani waxay hadda xaq kuu siinayaan qaadashada maalin fasaxeedyo (feriefridage), kuwaas oo ah maalmo fasaxeedyo dheeraad ah waxaana heshiis ku gaadhay arrintan shaqobixiyeyaasha (arbejdsgiverne)iyo ururada shaqaalaha (fagforeningerne) markii ay ka wada xaajoonayeen heshiiska shaqada (overenskomstforhandlingerne). Ururkaaga shaqaalaha ama wakiilka shaqada ayaa og fasaxa aad xaq u leedahay (fiiri liiska eraybixinta).

Waxaad xaq u leedahay inaad hal mar 3 todobaad xiriir ah oo fasax ah qaadato inta u dhaxaysa 1. may iyo 30 september.

Lacagta fasaxa waxaad heli kartaa markaad fasaxa ku jirto ama qaadanayso keliya (fiiri eraybixinta).

Xaq baad u leedahay inaad qaadato fasax lacag la’aan ah, xitaa hadaanay kuu ool lacag fasax hase yeeshee waxaan laguu soo dirayn mushahaar iyo lacag fasax mudada aad fasaxa ku jirto.

Isha maqaalka: http://www.finfo.dk/shaqada-so/kusoo-dhawaw-suuqa-shaqada-dheenishka/somalisk