Jamciyadda
Hadafka Jamciyadda
Jamciyadda dhaqanka iyo barbaarinta ubadka Soomaaliyeed. waxaa la aasaasay sannadkii 1999. waxayse deegaanka rasmiga ah ka heshay Gjellerupvej 87. 8230 Åbyhøj. 31-07-2001. nasiib wanaag deegaanka jamciyaddu wuxuu noqday meel dhexdhexaad u ah bulshada soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada madaxda labaad ee dalkaan Denmark. taasi waxay sababtay inay noqoto meel bulshadu si joogta ah ugu kulanto. kagana faaìidaysato waxyaabaha anfaca u leh aakhiro aduunkaba.
Jamciyadda laga soo bilaabi markii la furay waxay qayb libaax ka qaadatay, harumarka bulshada gaar ahaan Aarhus/Danmarka guud ahaana caalamka intiise kale.
Hadafka Jamciyadda
- Isku xirka Jaaliyadda ku dhaqan magaaladaan iyo guud ahaan Denmark.
- Baridda bulshada soomaaliyeed Dhaqankeeda/diinteeda
- Wacyi galinta bulshada gaar ahaan dhalinta si aysan ugu jaha wareerin dhaqanada kala duwan.
- Ka qayb qaadashada wixii wanaaga ah ee khseeya soomaaliya.
- Ka qayb qaadashada dhisiadda maraakista Galbeed yurub gaar ahaan Iskandinavianka
- ka hortagida tacadiyada guud ee loo gaysan karo jaaliyadda.
Jamciyaddu waxay taagantahay wax qabashada qodobadaan aan soo xusanay iyo kuwo kale oo badan. hadaba waxaan ugu yeeraynaa bulshada soomaaliyeed ee ku dhaqan Aarhus iyo nawaaxigeed inay ka qayb qaataan horumarka jaaliyadda.


