Shariga cusub ee ajaanibtu wuxuu ciqaabayaa kuwa wax bartay.
Sharciga cusub wuxuu ka hor istaagayaa ajaanibta inay wax bartaan. waxaa ka fudud in ruuxu helo shaqo aan bilaa xirfgad ah, waxaa lagu soo qaatay doodihii maanta dhex maray baarlamaanka.
Dhibaatadaan waxaa tusaale loogu soo qaadan karaa, haweeneey uu guursaday nin denish ah, isla markii luuqadda baratay, shaqana heshay. ka dib sheefkeedii ku yiri, wax barashada ku laabo si aad u kororsato aqoontaada, way samaysay laakiin maysan ahayn inay samayso, waayo sharciga cusub markii la fiiriyo waa inay koow ka soo biloowdo hadday rabto inay hesho iqaamad abadi ah.
Sharciga cusub ee hadda la ansixiyay wuxuu dhigayaa qofkii raba inuu helo Iqaamad abadi ah, waa inuu shaqeeyaa 3 sano oo aan kala go`lahayn.
Sidaa daraadeed qoftaas waxay la midtahay qof aan waligiis shaqayn, hadday rabto sanado badan ha soo shaqaysee, si kale hadii loo dhigana waxaa uga fiicnayd inay ku shaqayso shaqo aan xirfadlahayn inay wax barato, hadday rabto inay hesho Iqaamadda.
Is dhexgalka bulshooyinka
Siyaasiyiintii wax ka soo diyaariyay sharcigaan, waxaa la waydiiyay ma u muuqataa in laga tixgalinayo qofka xirfad laàanta ah kan wax bartay. wayana ku jawaabtay
haa, waana aragtidayada ururka ( Venstre= ururka dalka hadda hogaamiya) haddii la rabo in la helo ciqaamad abadi ah, waxaa in wax lagu biiriyaa bulshada iyo dalka, sida in canshuur la bixiyo oo kale, taasna waxaa lagu gaari karaa shaqo kaliya, waana arin muhiim u ah is dhexgalka, sidaa waxaa tiri afhayeenka xaga dhexgalka ee Venstre. Karsten Lauritzen
waxaa kaloo la waydiiyay so qofku wax ka badan ma biirin lahayn hadduu wax baran lahaa.?
Haa. waana ku soo dhawaynaynaa, laakiin xoogaa wakhtigaa ku dheeranaya, cidda rabta ciqaamadda. waxaa jira qolyo oranaya xaqbaan u leenahay ciqaamadda, aniga waxay ila tahay waa in la mutaystaa. ayay tiri, Karsten Lauritzen.
Sharciga maanta jiraayi wuxuu oranayaa waxaa ciqaamad lagu heli karaa markii dalka 7 sano la joogo, laakiin hadda waxaa jira jaanis kale oo ah in lagu heli karo 5 sano. dhalinyarada ayagoo caruura dalka yimid, 18 sanana ku gaaray, intaasna waalidkood la noolaa, markay 18 sano gaaraan waxay heli karaan ciqaamadda. xataa haddii aysan shaqayn 3 sano oo xiriir ah, laakiin waa haddii ay markay iskuulka dhameeyeen, shaqo heleen ama wax barasho kale sii wadeen.
sha warka: http://www.dr.dk/P1/orientering/indslag/2010/04/19/161217.htm












