Waxaa booqasho dacwadeed ku jooga magaalo madaxda labaad ee Denmark sh. C/raxmaan Abyad oo ka mid ah ducaadda iyo culimada ku dhaqan dalkaan. Booqashada sheekha ayaatimid ka dib markii Jaaliyadda daggan Århus ay u gudbiyeen codsiyo is daba joog ahaa, sheekha oo ka jawaabaya dalabka walaalihiisa soomaaliyeed ayaa la rajaynayaa inay maanta u bilaabato hawlo wacyi galin ah oo uu bulshada u jeedin doono. wixii faahfaahin ah dibbaan idiinka soo gudbin doonaa inshaa allaah.
Sunday September 5th 2010











