Sunday September 5th 2010

Maqaal:Ma U Dabaal Dagnaa Mawlidka Mise!!!

Maqaal:Ma U Dabaal Dagnaa Mawlidka Mise!!!

بسم الله الرحمن الرحيم

Bismillah Raxmaani Raxiim
Waxaa laga yaabaa in dad badani ku wareeraan is jiid jiidka Mawliidka, qaarna leeyihiin waa bidco, qaarna leeyihiin mayee waa arin qof waliba oo muslim ah ay lagama maarmaan tahay inuu ku farxo dhalashadii rasuulka Muxammad sallallaahu calayhi wasallam. Balse walaallayaal aanu arinta si kale u eegno, annagoo isla fatashayna buugaagta taariikhda, kadiban aanu ku miisaamayno maanka iyo caqliga uu Allah swt. nagu manaysatay.

Taariikh Ahaan:

Si baaritaankeenu uu u noqdo mid mira dhal ah waxaa haboon in aanu is weydiino su’aalahaan:
1-Nebi Muxammad Sallallaahu calayhi wasalam xaflad ma u dhigtay dhalashadiisii iyo anbiyadii ka horaysay ba’?

2-Saxaabadiisii sida: Abu Bakar, Cumar, Cusmaan iyo Cali iyo dadkii ku xigay ee wanaagsanaa sida: Abuu Xaniifa, Maalik, Shaafici iyo Axmed Ibnu Xanbal (aasaasayaashii afarta madaahib ee Fiqiga maanta caanka ah) ma u dhigeen geeridiisii kadib xaflad dhalasho?
3- Goorma ayay u bilaabatay dhigidda xaflada mawlidka.? Yaasa ugu horeeyay qof dhiga?
4-Xaflad dhigiddu ma cibaadaa oo ajar miyaa laga helayaaa mase waa bidco oo waa lagu dambaabi amase cibaado iyo ajar midna toonna maahan??

Jawaabaha:
Jawaabta su’aasha koowaad:
Culimada oo dhan (kuwa ogol mawlidka iyo kuwa diidan intaba) hadii aad su’aashaan waydiisid waxay kugu jawaabayaan MAYYA ma uusan dhigan .

Jawaabta su’aasha labaad:
Culimada oo dhan (kuwa ogol mawlidka iyo kuwa diidan intaba) hadii aad su’aashaan waydiisid waxay kugu jawaabayaan MAYYA ma aysan u dhigin.

Jawaabta su’aasha sadexaad:
Culimada oo dhan (kuwa ogol mawlidka iyo kuwa diidan intaba) hadii aad su’aashaan waydiisid waxay kugu jawaabayan: qoladii ugu horaysay oo xaflada mawlidka dhigta waxay ahayd dawladii Cubaydiyyada (Faadimiyiintii).Dawladaas waxay culimada ahlu sunnada dhamaantood (macaa kuwa mawliidka iskaga soo horjeeda) isku waafaqeen in ay gaalo diinta islaamka ka baxay ahaayeen, xaflada mawlidka keliya ma aysan qaban qaabin jirin balse waxay kaloo qaban qaabin jireen xaflado kale sida dhalashadii Cali Ibn Abi Daalib, Faaduma, Xassan, Xuseen (allaah haka wada raali noqdee) iyo dhalashada ninka markaa madaxda u ahaa. Dawladaas xarunteedu waxay ahayd Qaahira ee dalka Masar, waxayna dowladaasu jirtey 910 -1171 miilaadi.

Jawaabta su’aasha afaraad:
Su’aashaas oo ahayd: Xaflad dhigiddu ma cibaadaa oo ajar miyaa laga helayaaa mase waa bidco oo waa lagu dambaabi amase cibaado iyo ajar midna toonna maahan??

Waa meesha la isku haysto, bal si su’aalo iyo jawaabo ah aanu u dhiraan dhirinno.
Culimada dhamaantood (kuwa ogol mawlidka iyo kuwa diidan intaba) waxay isku waafaqsanyihiin in Mawlidku bidco yahay, balse qaarka ogoli waxay leeyihiin waa bidco wanaagsan meesha kuwa diidanna ay leeyihiin mayee waa bidco. Bidco walibana waa lagu dembe geli sida uu yiri Nebiga sallallaahu calayhi wasallam

Bidco: Waxaa la dhahaa wax walba oo diinta lagu soo kordhiyo geeridii Rasuulka – sallallaahu calayhi wasallam – gadaasheed.

Akhii Fillaah:
Ogow shareecada islaamka camalka haddii uusan lahayn ikhlaas kuna taagnayn sunnadii Nabbiga (صلى الله عليه وسلم) lama aqbalo camalkaas, waayo waxa uu waayay labada shardi ee uu Allaah camalka saalixa ah ku aqbalo (ikhlaas iyo Mutaabaco).

U gargaarida iyo jacaylka nebbi Muxamed (صلى الله عليه وسلم) waa inaand ku muujiso dhaqankaaga , inaad ku bixiso wakhtigaga barashada diinta, inaad ficiladii nebbiga ((صلى الله عليه وسلم) raacdo , sunadiisa ku dhaqanto kaas ayaa jacaylka dhabta ah, jannada iyo raali ahaanshaha ilaahayna lagu gaari karaa.

Jacaylkaaga aad uhayso Nabiga ((صلى الله عليه وسلم) ha ahaado midkii Umu cimarah radiyalahu canha, iyo Muxamed Ibnu Maslamah radiyalahu canhu,
jacayl lagala soo baxay axkaamta kitaabka iyo sunnada.

Talo iyo Gunaanad:
1-Maadaama uusan Suubanuhu – sallallaahu calayhi wasallam – uusan samayn.
2-Maadaama aysan saxaabadii suubanaha aysan samayn
3-Maadaama aysan culimada waa waynayd ee dunida islaamka soo martay sida Abuu xaniifa Maalik Shaafici Axmed aysan samayn

4-Maadaama dadka xaflada mawlidka aasaasay ay ahaayeen kuwo culimada islaamka isku waafaqay in gaalo ahaayeen.Intaas kadib walaalayaal waxaa mudan in aanu is weydiino Su’ashaan: Mawlidka Ma U Dabaal Dagnaa Mise?? Ha noqoto su’aashaas mis caqligeena ka shaqaysiisa uuna qof walba kaga jawaabo si cadaaladi ay ku jirto, adigoonan qofna ama madhab gaar kuu ah aadnan ka hor marinayn Kitaabka Iyo Sunnada.

__________________________

Wa akhiru dacwaana anil xamdulilahi rabil caalamiin
Golaha Ducada Soomaaliyeed
daaciga@hotmail.comDenne emailadresse er beskyttet mod programmer som samler emailadresser. Du skal aktivere javascript for at kunne se adressen.

11 Rabi Al-awal 1431
25 fabaraayo 2010
Codsi: Fadlan walaal khayrkan usii gudbi walaalahaaga Muslimiinta inta aad taqaano Allaah ajar hakasiiyee..jazaka Allaahu Khayraa

Leave a Comment

More from category

Sh. Mustafe Xaaji Ismaaciil oo Markazka Aabyhøj Jooga
Sh. Mustafe Xaaji Ismaaciil oo Markazka Aabyhøj Jooga

Waxaanu dadwaynaha ugu bishaaraynaynaa in uu Sh. Mustafe Xaaji Ismaaciil boqasho ku imanayo Markazka Aabyhøj ee [Read More]

Sh. C/raxmaan Abyad oo booqasho dacwi ah ku jooga Århus
Sh. C/raxmaan Abyad oo booqasho dacwi ah ku jooga Århus

Waxaa booqasho dacwadeed ku jooga magaalo madaxda labaad ee Denmark sh. C/raxmaan Abyad oo ka mid ah ducaadda iyo [Read More]

Ururrada siyaasadda ee degmada århus oo qaadacay kulanka nuclai waman

Ururrada siyaasadda ee degmada århus oo qaadacay kulanka nuclai waman. sababta waxay ka dhigeen inaysan kulnka waxba [Read More]

Shariga cusub ee ajaanibtu wuxuu ciqaabayaa kuwa wax bartay.

Shariga cusub ee ajaanibtu wuxuu ciqaabayaa kuwa wax bartay. Sharciga cusub wuxuu ka hor istaagayaa ajaanibta inay wax [Read More]

Insider

Archives