Sunday September 5th 2010

Jamciyadda Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Aalborg oo laga joojiyay caawintii

Jamciyadda Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Aalborg oo laga joojiyay caawintii
Degmada Aarborg ayaa goàan ku gaartay inaan wax lacag ah lagu caawin ururka ka danbeeya jamciyadda somaalida ee ku taala Danmarksgade centarka magaalada.
goàanka waxaa soo saaray waxaada degmada u qaabilsan ( ururada dhaqanka iyo dhalinyarada) jamciyaddu waxay waynaysaa dhammaanba dhaqaalihii laga caawin jiray oo ahaa 220.000 kr.

Shrciga ma waafaqsanayn
qolyaha kontoroolka noo qaabilsan waxay sheegeen inaysan meeshu buuxin shuruudaha lagu heli karo caawinta degmada, salaad iyo cibaadaysi ayaa meesha ka socday, sidaas waxaa yiri gudoomiyaha waxaada Keld Jensen.

dadka jamciyadda ku xiran aadbay ula yaabeen goàanka hordhaca ah ee degmadu qaadatay, waxayna sheegeen inuu saamayn xoogan ku yeelan doono goàanku, sidaasna waxaa yiri Mohamed Hasan, oo Jamciyadda u qaabilsan caruurta iyo Dhalinyarada. intaas wuxuu ku daray maxamed inay ka wada hadlayaan markay helaan goàanka oo qoraalka.¨

Jamciydda soomaalida ee magaalada Alborg waxaa lagu tiriyaa jamciyaatka ugu da`da wayn uguna wax tar badan marka la fiiriyo dhinac walba, jamciyaddu waxay qayb libaax ka qaadatay isku xirnaanta bulshada soomaaliyeed ee ku nool waqooyiga dalkaan gaar ahaan Alborg. sidoo kale waxay qayb aad u wayn ka qaadataa, wax tarka jaaliyadda kale ee ku dhaqan Iskaandineviaanka & guud ahaan Soomaaliya.

Waxaa lagu qiyaasaa soomaalida ku nool Alborg ilaa 900 oo qof.

Isha warka: . http://www.dr.dk/Regioner/Nord/Nyheder/Aalborg/2010/05/26/083447.htm

Leave a Comment

More from category

Sh. Mustafe Xaaji Ismaaciil oo Markazka Aabyhøj Jooga
Sh. Mustafe Xaaji Ismaaciil oo Markazka Aabyhøj Jooga

Waxaanu dadwaynaha ugu bishaaraynaynaa in uu Sh. Mustafe Xaaji Ismaaciil boqasho ku imanayo Markazka Aabyhøj ee [Read More]

Sh. C/raxmaan Abyad oo booqasho dacwi ah ku jooga Århus
Sh. C/raxmaan Abyad oo booqasho dacwi ah ku jooga Århus

Waxaa booqasho dacwadeed ku jooga magaalo madaxda labaad ee Denmark sh. C/raxmaan Abyad oo ka mid ah ducaadda iyo [Read More]

Ururrada siyaasadda ee degmada århus oo qaadacay kulanka nuclai waman

Ururrada siyaasadda ee degmada århus oo qaadacay kulanka nuclai waman. sababta waxay ka dhigeen inaysan kulnka waxba [Read More]

Shariga cusub ee ajaanibtu wuxuu ciqaabayaa kuwa wax bartay.

Shariga cusub ee ajaanibtu wuxuu ciqaabayaa kuwa wax bartay. Sharciga cusub wuxuu ka hor istaagayaa ajaanibta inay wax [Read More]

Maqaal:Ma U Dabaal Dagnaa Mawlidka Mise!!!

Maqaal:Ma U Dabaal Dagnaa Mawlidka Mise!!! بسم الله الرحمن الرحيم Bismillah Raxmaani Raxiim Waxaa [Read More]

Insider

Archives